AKHRISO+XOG: Wararkii ugu dambeeyey ee dadka ay qabsadeen ciidamada S/LAND, kana soo jeeday Puntland & Magacyadooda

Saqdii dhexe ee xalay ayay maleeshiyaad katirsan ciidamada Somaliland, gaar ahaana guutada 8aad rag katirsan oo watay labo baabuur dagaalka ah iyo mid kuwa caafimaadka ah waxay isku diyaariyeen howlgal ay ku afduubaan shacabka safarka ah ee kasoo jeeda Puntland kuna safraya wadadaas, waxayna xiligaas waqtiga ay bilowdaan gaadiidka u kala goosha labada dhinac, waxaana nasiibkooda ku aadiyey baabuur ay saaran yihiin haween iyo caruur, waxayna kufasaxeen deegaanka Oog.

Xogta uu helay warsidaha Puntlandtimes.com waxay cadeynaysaa in ay dableydan ujeedadoodu ahayd in ay kala joogaan gaadiidka rayidka ah ee u kala gooshaya labada dhinac, iyagoo doonaya in ay laayaan shacabka safarka ah ugu yaraan.

Magacyada wiilasha ay qabsadeen Somaliland ayaa kala ah, Ahmed Abdihakim Ali Cigaal iyo Anas Ahmed Hussen Gurey, oo labaduba kasoo jeeda gobalka Mudug, waxaana ilaa ahdda warar kale sheegayaan in tiraddu intas ka badan tahay oo markale caawa laga afduubtay laamiga Burco.

Warar hoose ayaa sheegaya in labada dhalinyarro ay ku soo jeedaan dalalka Dibada ah, horeyna uga soo dageen magaalada Hargeysa.

Xog ay heshay PuntlandFM.com waxay cadeynaysaa in dadka la afduubtay ee gaariga loogala haray Kontoroolka Caynaba ay gacanta kuhayaan maleeshiyaad beeleed u dhalatay magaalada Burco, ayna ka hadlayaan oo ay ugu warbixiyeen saraakiishooda in ay soo qabtaan Sirdoonka Puntland xubno katirsan.

Sheegashada lagu sheegay Sirdoon rakaabka ayaa ka dhigan mid ladoonayo in lagu xalaashado dhiigooda iyo sii heyntooda haddii aan la dilin, waxaana ay wali sii wadaan ugaarsiga lagu hayo dadka ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment