Aqriso”- Magacyada Amiirada Shabab ee Toogashada lagu Dilay …

Ciidamada Kumaandooska Somalia ayaa khaarijiyay laba Horjooge oo ka tirsan al-Shabaab kuwaa oo xiliga khaarijintooda dhexda uga dhacay goob ay ciidamada kawadeen howlgal.

Saraakiisha ciidamada Kumaandooska ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ka dhacay degaanka Tooratoorow oo maleeshiyaadka al-shabaab ku leeyihiin saldhigyo.

Ciidamadan Soomaalida ayaa garab ka helaayay Saraakiil iyo ciidamo Mareykan ah kuwaa oo qeyb ka ahaa howlgalka ka dhacay tooratoorow.

Horjoogayaasha lagu dilay howlgalka ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Faarax Cali Xuseen (Faarax Kalar) iyo Maxamed Cumar, oo kamid ahaa ragga maleeshiyada howlaha ugu waaweyn uga fuliya tooratoorow.

Faarax Cali Xuseen (Faarax Kalar) ayaa ahaa Horjoogaha Shabaab u qaabilsanaa dhanka wacyigelinta Gobolka Shabeellaha Hoose, halka Maxamed cumar uu ahaa Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee dilalka qorsheysan ka fuliya Shabellaha Hoose.

Dhinaca kale, howlgalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid daba socda howlgal ay ciidamada si joogta ah uga wadeen deegaanka Toorotoorow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment