Beesha Dhulbahante oo siweyn udiyaar garoobay dagaalka Tukaraq & weerarkii …..

Xilli muddooyinkii ugu dambeeyey ay sii xoogaysanayeen xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya dhinacyada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa iyaguna abaabul ciidan iyo mid dagaalba dhankooda kawada xubno ka tirsan maamulka Khaatumo iyo waxgaradka Beel weynta Siciid Harti (Dhulbahante).

Ujeedka abaabulkan ciidan iyo kan dagaal ayaa lagu sheegay in uu yahay xoreynta gobolka Sool, waxaana sida ay u xaqiijiyeen Puntland FM abaabulkani qayb ka ah madaxweynaha maamulka Khaatumo Cabdalle Haybe Cagalule oo ku sugan maalmihii ugu dambeeyey jiidaha hore ee gobolka Sool kadib safar uu kaga yimid magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya si uu qayb laxaad leh uga qaato xoreynta gobolka Sool.

Madaxweyne Cagalule oo haatan ku sugan degmada Buurawadal ee gobolka Sool ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Beel weynta Dhulbahante, kuwaas oo uu kaga hadlay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa dagaalka ka dhanka ah ciidamada maamulka Somaliland.

Abaabulkani dagaal ee ay wadaan xubnaha ugu sar sareeya maamulka Khaatumo ayaa qaarkood la sheegay in ay booqasho ugu baxeen deegaanada Nugaasha ah ee gobolka Sool si ay ugala soo hadlaan bulsha weynta ku dhaqan deegaanadaasi qaabka loo xoreynayo gobolka Sool, iyadoona qaar kamid ah Beelaha Dhulbahante ay xiligani keeneen ciidamo Beeleedyo iyo Tikniko dagaal oo aad u fara badan si ay qayb weyn uga qaataan xorenyta Sool.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment