CADEYN:- Khilaafkii ugu Xoogana oo ka Taagan Puntland & qeylo dhaan laga……

Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin Tumay ayaa lagu eedeeyay inuu khilaaf ka dhex abuuray dhallinyarada magaalada Gaalkacyo.

Dhallinyarada magaalada Gaalkacyo ayaa maalmahaan waday Barnaamij dhaqaale loogu aruurinayo dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale.

Gudoomiyaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha gobalka Mudug ayaa sheegay in khilaafka dhallinyarada uu abuuray, gudoomiyaha degmada, Maxamuud Yaasin Tumay

Khilaafka ayaa la sheegay inuu saameeyay dhallinyarada dhaqaalaha u aruurinaysay Garoonka Cawaale oo maalmihii la soo dhaafay tagayay xaafadaha iyo xarumaha ganacsi.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment