Ciidamada Puntland oo isku diyaariyey dagaalkii ugu cuslaa & Taliyaal ciidan oo hada ku sugan jiidaha hore

Wararkii ugu dambeeyey ee hada ay ka helayso Puntlandtimes.com jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in heegaan culus la galiyey ciidamada difaaca Puntland isla markaasna ay isku diyaarinayaan ciidamadu dagaalkii ugu balaadhnaa ee ay ku qaadayaan ciidamada Somaliland.

Saraakiisha ciidamada Puntland oo haatan ku sugan jiida hore ayaa u jeedinaya ciidamada khudbado xasaasi ah, waxaana weli socda kulamo u dhaxeeya saraakiisha ciidamada iyo taliska ciidamada Puntland.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment