DAAWO | Dowladda Puntland oo Xanibtay TV-ga Somaliland kuna Amartay in laga saaro …

Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Puntland ayaa saxiixday warqad si rasmi ah loo diray maamulka Sare ee shirkada DSAT ee Puntland, taas oo gabi ahaanba lagu amray in Kanaalada shirkadas ay ka saarto Telefishinka maamulka Hargeysa ee SLTV, ka dib markii ay sidaas garowsatay dawladda Puntland.

Warqadda ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa loo geeyey DSAT, taas oo ay wararku sheegayaan in ay u hogaansatay go`aanka dawladda Puntland.

Somaliland waxay horey xayiraad ugu soo rogtay labo Tv- Soomaaliyeed oo laga leeyahay gobalka Sool, oo ay ku eedeeysay in ay tabiyaan warar ka dhan ah joogitaankooda gobalkaas.

Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in aysan waxba gorgortan iyo wada hadal ah ka galeynin taako kamid ah dhulkeeda, gaar ahaana xaduudaheeda dastuuriga ah, waxaana si cad u sheegtay in ficilada iyo hadalada ka soo yeeraya dhinaca Somaliland ay cadeynayaan gardaradda iyo duulaanka ay ku soo qaadeen dhulka Puntland.

Guddiga DIfaaca ayaa goor dhaw shir jaraa’id qabtay, gaar ahaana Wasiirka Warfaafinta ee dawladda Puntland.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment