Dacwada Badda: ICJ Oo Ogolaatay In Soomaaliya iyo Kenya Yeeshaan Wareeg Cusub Oo Doodda Xadka Ah

Maxkamadda cadaaladda adduunka(The International Court of Justice) ayaa ogolaatay in Soomaaliya ay jawaab ka bixiso dacwada ay ka gudbisay Kenya ee la xiriirta xadka badda.

Sida muuqata, waxaa bilaabanaya wareeg cusub oo dal weliba ku soo bandhigi-doono dacwadiisa iyo xujo waxa uu haayo, si go’aan kama dambeys ah looga gaaro xariiqda xadka biyaha ee labada dal.

Maxkamadda ICJ ayaa isniintii sheegtay in Kenya dalbatay in xadka biyaha labada dal aan la taaban ee uu sidan sii ahaado illaa June 18, kadibna Kenya u baahan tahay 6 bil si ay kiiskan uga jawaabto.

Qoraal ka soo baxay maxkamadda ICJ, waxaa lagu sheegay in ay go’aankan gaartay kadib markii ay tixgelisay aragtiga labada dal iyo duruufaha ku xeeran kiiskan.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment