Dalladda U Qareemida Danaha Haweenka PL oo Tababar ku qabtay magaalada Qardho

U Heelanayaasha danaha Haweenka Puntland, maamulka degmada Qardho iyo kan degmada Waaciye ayaa kulan Aqoon is weydaarsi ku qabtay magaalada Qardho, kaas oo diiradda lagu saarayey arrimaha ay u baahan yihiin in ay Haweenku iyo bulshaduba kula xisaabtamaan laamaha kala duwan ee dawladda Puntland.Dalladda WAWA iyo Hay’ada Dikonia oo si wadajir ah u qabaneyey kulamadan ayaa sheegay in ay ujeedadoodu tahay sidii loo heli lahaa isxisaabtam dhameystiran oo ay qeyb ka yihiin dhamaan bulshada, oo dhan gaar ahaana Haweenka oo ah cidda ugu badan ee loo shaqeynayo.

Masuuliyiinta maamulada degmooyinka Qardho & Waaciye waxay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin kulamadan, ayna sii wadi doonan gacanta iyo u shaqeynta ay u shaqeynayaan bulshadooda, maadaama waajibaadka saaran ay tahay in wax laga qabto arrimaha bulshada ee loo baahan yahay.
Sidaas oo kale Dalladda WAWA ayaa maalin labaad ugu qabatay magaalada Qardho kulan ku saabsan barashada Diwaangalinta madaniga ah iyo Qaabka diwaangalinta dawladdaha Hoose ee Puntland, waxaana madasha lagu casumay maamulada deegaano hoos yimaada degmada Waaciye, oo ka kooban 36 qof.La tababarayaasha ayaa la barayey Xaqqa muwaadinka iyo waxyaabaha ay tahay in xooga lagu saaro si u helo muwaadinku waxyaabaha uu xaqqa u leeyahay iyo waajibaadkka Dastuuriga ah ee dhankiisa saaran, taas oo ah mid muhiim.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment