DEG DEG | Beelo ka Tirsan Somaliland oo kudhawaaqay iney ka baxayaan Somaliland

Wararka Warsidaha PuntlandFMcom uu ka helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Salaadiinta iyo Waxgaradka gobolka Awdal oo shir ku yeeshay gudaha magaalada Hargeysa ay isku af garteen in ay ka go’aan maamulka Somaliland ee uu hogaamiyaha ka yahay Muuse Biixi Cabdi.

Salaadiintan iyo waxgaradkani ku shiray magaalada Hargeysa ayaa casho ka muujiyey qaabka Muuse Biixi uu u wajahayo doorashooyinka Baarlamaanka Somaliland ee ka dhici doona gobolkaasi, waxaana ay sheegeen in ay ka go’i doonaan maamulkiisa hadii doorashada Baarlamaanka lagu galo sida uu warqad ugu diray Muuse Biixi gollaha wakiiladda Somaliland.

Muuse Biixi ayaa warqad uu u diray gollaha wakiiladda Somaliland lagu sheegay in doorashada gollaha Baarlamaanka lagu galo sida uu hada yahay, isagoona go’aanka Muuse Biixi uu baal marsan yahay go’aankii ay go’aamisay maxkamada sarre ee Somaliland kaas oo dhigaya in beel walba ay ku heli doonto kuraasta Baarlamaanka qaab deegaan amaba tira koob.

Weli lama oga waxa uu Muuse Biixi ka dhihi doono arintani, waxaana xusid mudan in muddooyinkii ugu dambeeyey ay food saareen Mr. Biixi kacdoono kasoo wajahaya dhanka shacabka iyo qabiilada kasoo jeeda deegaanada Somaliland kuwaas oo dhaliilo xoogan ka muujinaya maamulkiisa halka qaar kalena ayba ka go’ayaan maamulka Somaliland.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment