DEG DEG | Cali Khaliif oo Fashil kala Kulmay Qorshe uuwaday & DF oo dharbaaxo adag la dhacday !

Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in uu kala hadlay Madaxweynaha dowlada Fedraalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland sidii Maamul loogu sameen lahaa Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Goboladaan ayaa waxaa is ku haysta Maamulidooda Maamulada Puntland iyo Soomaaliland kuwaas oo dhowr jeer ku dagaalamay deegaano hoosyimaada Goboladaani.

Dagaaladii ugu danbeeyay oo dhax mara ciidamo kala taabacsan Puntalnd iyo Soomaaliland ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Tukaraq oo hoos taga Gobolka Sool.

Cali Khaliif Galeyr oo ahaa madaxweynaha Maamulkii Khaatuma ee Fashilmay ayaa sheegay in uu kala hadlay Madaxweynaha Dowlada fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas sidii Goboladaasi loogu dhisi lahaa Maamul gooni ah, Laakiin Cali Khaliif ayaa tilmaamay in madaxdii uu lahadlay kala kulmay Jawaabo uusan fileyn, kuwaas oo ka biya diiday in maamul gooni ah loo dhiso Gobolada Sool, Ceyn, iyo Sanaag oo ku muransan yihiin Maamulada Puntand iyo Soomaaliland balse Dhul ahaan ay Xaq uleedahay Dowladda Puntland Isla markaana ay Somaliland kusoo gar darootay.

AXMED BIIXI GOROD

PUNTLAND FM

LAASCAANOOD

Share This Post

Post Comment