DEG DEG:- Cali Khaliif oo ku dhacay dabinkii Somaliland & Ciidankiisii oo Xoog lagula Wareegay

DE-GDEG: Somaliland oo ku dhawaaqday inay Cali Khaliif kala wareegeen ciidankiisii iyo hubkiisii kunasoo bandhigayaan Tukaraq…

Maamulka somaliland ayaa sheegay inuu fuliyay inta badan qodobadii ay ku heshiiyeen kooxda maamulka Khaatumo.

Wasiir Sacad Cali Shire oo ka hadlaya heshiiskaas ayaa waxa uu yidhi “Khaatumo heshiis ka kooban 13 qodob ayaanu galnay, waxaanan qabaa in qodobadaas intooda badan aanu wax ka qabanay balse waxa jiray laba qodob oo mid ahaa qaramaynta ciidamada Khaatumo oo aan wali fulin balse hordhiciisa waxa uu fuli doonaa labada cisho ee soo socdaa, warbaahintana waa laga maqli doonaa qaramaynta ciidamada oo lagusoo bandhigayo Tukaraq

Wasiirka arimaha dibada somaliland Dr.Sacad Cali Shire ayaa mar uu la hadlay warbaahinta waxa uu soo bandhigay qodobada qabyada ka ah heshiiskii dhex maray somaliland iyo Khaatumo iyo kuwa la fuliyey.

Wasiir Sacad Cali Shire oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay qodob kale oo aan ka fulin heshiiskii somaliland la gashay Khaatumo waxaanu yidhi “Arinka kale ee ku saabsan dib u eegista dastuurka somaliland oo sharcigeenu  sheegayo iyo habka loo marayo oo loo baahan yahay in dib loo eego xataa si doorashada loo galo waayo doorashooyinkii hore ee baarlamaanka waxa dib inooga dhigay arimo la xidhiidha qodobadaas dastuurka, arinkaasna sidiisa ayaa loo galayaa laakiin intii kale waxba baaqi nagagama ah, Cali Khaliif iyo ragii kale ee reer Khaatumo way noo yimaadeen waanan soo dhawaynay wax baaqi nagu ahna ma jiraan.”

Hogaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa mudadii uu joogay magaalada Hargeysa waxa uu madalo badan ka sheegay in heshiiskii dhex maray dawlada somaliland uu u dabran yahay fulin la,aan isaga oo ku baaqayey in la fuliyo.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment