DEG DEG:- Ciidamada Amaanka Puntland oo Howgalo Xoogan kawada Magaalada B…..

Wararka naga Soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsasiga Dowlada Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada ammaanka Puntland ay Magaaladaasi ka wadaan hawlgal o ammaanka lagu xaqiijinaayo,maadaama Duleedka Magaalada  boosaaso xalay ay Weerar ku soo qaadeen Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidamada Amaanka Dowlada puntland ee howlgalada kawada Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay ku  baarayaan gaadiidka ka dhax shaqeeya  gudaha Magaalada Boosaaso iyo Xaafadaha qaarkood waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada ay gacanta  ku dhigeen dhalinyaro Badan oo looga shakiyay in ay qayb ka yihiin falalka amni daro ee ka dhaca  mararka qaar Magaalada Boosaaso.

Sargaal ka tirsan Booliska Puntland ee Gobalka Bari ayaa sheegay in ay hayaan Dad ay ku tuhmayaan falalkii danbi ee dhawaanahan ka dhacayay Magaalada Boosaaso,kuwaaso lagu dilay sanadkan bilowkiisa  Mas’uul oo ka tirsan Maamulka Puntland iyo Dagaalka Tooska ah ay soo qaadaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Boosaaso ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka , sida dilal qorysheysan oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment