DEG DEG Ciidamada Soomaaliland oo dad shacab ah ku risaaseeyay magaalada Laascaanood

Ciidamada Soomaaliland ayaa maanta rasaas ku furay dad shacab ah oo ku sugnay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool kadib markii ay isku dhaceen Haween qaad iibiniyay iyo ciidamada kuwaas oo aan la ogeen halka uu salka ku haayo isku dhacooda.

Inta la xaqiijiyay laba Haween oo ah kuwa qaadka iibiya ayaa ku dhaawacmay rasaasta ay fureen ciidamada.

Majiraan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada milatiriga ee Soomaaliland ee ku sugan gobolka Sool oo ku aadan dhacdadaasi.

Dadka deegaanka oo Puntland FM la hadlay ayaa sheegay in dadka shacab ah ee ku sugan gobolkaasi ay marar badan dhibaato nuucaan oo kala ah ay kulmeen ciidamada Soomaalind.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment