DEG DEG | Ciidamadii Habar Yoonis oo ka baxay Jiidda dagaalka & Somaliland oo ciidankeedii kala jabay …

Wararka Warsidaha Puntlandfm.com  uu duhurnimadan laga helayo jiidaha hore ee dagaalka deegaanka Tukaraq ayaa sheegaya in ciidamadii maamulka Somaliland ee dhawaan gaadhay deegaankaasi ay qayb kamid ah iskaga baxeen furimaha dagaalka.

Bixitaanka ciidamadani ay ka baxeen jiidaha hore ee dagaalka ayaa lagu sheegay is fahmi waa soo kala dhex galay iyaga iyo hogaamiyaasha ciidamada maamulka Somaliland, waxaana xoggo uu helay Puntlandifm ay intaasi kusii darayaan in ciidamadani ay kasoo kala jeedeen dhalasho ahaan Beelaha Habar Yoonis iyo Ciida Gale kuwaas oo la isku dhaho Gar­xejis.

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in sababaha ugu weyn ee ay uga baxeen ciidamadaasi deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ay tahay in khilaaf kale uu ka dhex aloosmay ciidamadaasi iyo kuwa ugu Beesha Dhulbahante ee ka tirsan maamulka Somaliland, kadib markii ay diideen ciidamada Mahad Cambaashe in ay uga horeeyaan ciidamada kale ee Somaliland jiidaha hore ee dagaal taas oo dhalisay shaki muujiyana in ciidamada Beesha Isaaq lagu gumaadayo halkaasi marka uu bilowmo dagaalka ka dhanka ah ciidamada Somaliland.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment