DEG DEG | Ciidamadii ugu badnaa ee Somaliland oo soo goostay iskuna dhiibay Puntland …

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee gobalka Cayn ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsanaa Somaliland, kuna sugnaa duleedka magaalada Buuhoodle oo ay dhawaan geysay maamulkaas ay isku dhiibeen ciidamada difaaca ee dawladda Puntland.

Wararku waxay sheegayaan in ay maleeshiyadaas oo watay gaadiidka dagaalka iyo hubka culus ay isku dhiibeen ciidamada Daraawiishta ee kusugan magaalada Buuhoodle.

Saraakiishooda oo goor dhaw la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in ay garowsadeen xaqiiqada dagaalka cabsida laga qabo, ayna aqbaleen soona ajiibeen baaqii Isimadda iyo waxgaradkooda oo ku aadanaa in aysan ku dhimin difaacida maamulka Hargeysa.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ay ciidamadan cusub gaarayaan 100 Askari, kuwaas oo qeyb ka ahaa wafdi shalay tagey gudaha magaalada Buuhoodle oo ka socday Somaliland.

Talaabadan waxay dharbaaxo ku tahay maamulka Hargeysa, oo duulaan kusoo qaaday deegaanada gobalada Sool, Sanaag & Cayn, waxayna dawladda Puntland go’aansatay in ay qaado weerar culus kaas oo qabanqaabadiisu soo dhamaatay.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment