DEG DEG| Ciidanka Difaaca Puntland oo Riixay Maleeshiyaadka Hargeysa & Daryanka Madaafiicda oo….

Sida Haatan Toos noogu Xaqiijiey wariyaha Puntland FM ee Magaalada Laascaanood Munasir Cabdi waxaa Sii Xoogeysanaya dagaalka isla markaana Ciidanka Difaaca Puntland ay isku dayayaan iney riixaan Ciidanka kusoo duulay ee Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyey ee ay soo tabinayaan wariyaasha kusugan Laascaanood & Garoowe ayaa sheegaya in ay degan tahay xaaladda deegaanka Tukaraq oo ay subaxnimadii hore iska horimaad ku dhexmaray ciidamo ka kala tirsan labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland.

Wararku waxay sheegayaan in iska horimaadkii dhacay subaxnimadii hore uu ahaa mid ay qaadeen ciidamo katirsan Puntland, ilaa haddana siyaabo kala gedisan ayaa looga hadlayaa cidda amarkan bixisay.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in weerarkaas ay qaadeen ciidamo uu hogaaminayo taliye kamid ah ciidamada oo aan heysan amarka Taliska ka sareeya ee saraakiisha Difaaca, balse wararkaas maahan kuwa ilaa hadda la xaqiijiyey. Wariyaasha ayaa sheegaya in ay wali goobahooda kusugan yihiin ciidamada labada dhinac, aysana jirin deegaan la kala qabsaday, balse dagaalkii dhacay uu ahaa mid ay dhinacyadu isla muuqdeen in ay rasaasta isku ridayaan.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment