DEG DEG :- Dagaal qadhaadh oo Caawa Soconaya & madaafiic caawa lamaqlayo….

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal qaraaran oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo War-mooley oo u dhaxeeya Degmada Ceelbuur iyo Magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalka oo leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu u dhexeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo dhinac ah.

Dagaalka ayaa salka ku hayey labo arrin oo kala ah, in Maleeshiyada al-Shabaab ay qaadashada tababar ku xukumeen Odayaasha si ay uga qayb qaatan dagaalada shabaab iyo dilka labo qof oo shacab ah oo ay Shabaab fuliyeen.

Dagaalka oo socday ku dhawaad lix saac oo maanta ah ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray, waxaana la sheegayaa in dhimashada ay gaareyso ilaa Sagaal ruux, halka dhaawacana uu gaarayo ilaa toban iyo afar qof oo dhamaantooda la geeyay isbitaalada Guriceyl.

Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa kordhisay cadaadiska ay ku hayaan dadka ku nool goobaha ay ka taliyaan waxaana sii kordhaaya dagaalada ay la galaan dadkaasi.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Caawa halkaasi laga maqlaayo rasaas teelteel ah oo ay is weydaarsanayaan dadka deegaanka iyo al-Shabaab.

Geesta kale, dadka deegaanka oo aad uga soo horjeeda awaamirta al-Shabaab ayaa wada Hub uruursi ka dhan ah maleeshiyaadka.

Share This Post

Post Comment