DEG DEG | Dagaalkii Tukaraq oo sii Xoogeystay & Madaafic leysku garaacayo ….

Wararka Warsidaha Puntlandfm.com uu haatan ka helayo degmada Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ay sii xoogaysanayaan marba marka kasii dambaysa xiisadaha dagaal ee dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Wararku waxa kale oo ay intaasi kusii darayaan in maanta ciidamadii ugu badnaa labada dhinac ay ku daad guraynayaan jiidaha hore ee deegaankaasi, sidoo kalena rasaas goos goos ah laga maqlayo qaybaha kala duwan ee deegaanka Tukaraq kuwaas oo ay isku ridayaan ciidamada isku hor fadhiya deegaankaasi Tukaraq.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay in ay saaka bilaabeen rasaastani ka dhacaysa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool halka ciidamada Somaliland oo iyaguna ku jira difaacyo dagaal si ay uga hor tagaan weeraro kasoo wajaha Puntland ay kasoo jawaab celiyeen rasaastani.

Inkastoo ilaa iyo hada aanan lasoo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay is rasaasayntaasi ayaa hadana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in maamulka Somaliland uu Kastam cashuuraha uu ka hirgeliyey deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool halka Kastamkii hore ee deegaankaasi ay Puntland dhigtay deegaan u dhaxeeya Faliidh yaale iyo Buura Wadal halkaas oo ay ka bilowday qaadista cashuuraha beriga.

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa weli ka taagan xiisad colaadeed, waxaana dhinacyada Puntland iyo Somaliland uu mid walbaaba wadaa diyaar garow dagaal oo aad u xoogan.

 

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment