DEG DEG | Dagaalkii ugu qaraaraa oo ka qarxay Tukaraq & Madaafiic kusoo hoobaneysa….

Wararka ka imaanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in haatan uu socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland kaas oo la isku adeegsanayo hubka noocayadiisa kala duwan.

Wararku waxa kale oo ay intaasi kusii darayaan in rasaas xoogan ay isku waydaarsanayaan labada dhinac isla markaasna uu dagaalku sii xoogaysanayo marba marka kasii dambaysa.

Ilo wareedyo aya asheegaya in Xiligan lakala joogo meelo aad isugu dhow waxaana suurta gal ah in dagaalka uuka sii xoogeysto

Sakaariil ka tirsan ciidanka difaaca puntland oo kusugan jiida dagaalka ayaa Puntland FM usheegay iney ka go’an tahay Xoreynta dhulka Dowladda Puntland & Shacabkiisa Wuxuuna qeexay ineysan aheyn kuwo dulmiga qaata.

hadaba saacadaha soo aadan ayaa waxaa la ogaan doonaa sida ay xaaladdu noqoto waana idin soo gudbin doonnaa wixii kusoo kordha umuurahaasi.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment