DEG DEG:- Daryanka Madaafiicda oo gil gilay Tukaraq & Dagaal Toos ah oo źh

Wararka Warsidaha PuntlandFm.com uu ka helayo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal goos goos ah iyo madaafiic xoogan saaka ay ka dhaceen deegaankaasi Tukaraq, kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiic cul culus ayaa laga maqlayey gudaha deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, iyadoona ilaa hada xog rasmi ah aanan laga haynin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa weli isku hor fadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dhinac walba uu wadaa diyaar garow xoogan kaas uu ku wajahayo kan kale.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment