DEG DEG:- Dayaxa oo Caawa ka Madoobaanaya Deegaanada Puntland & Culimada oo durba ukala Cararaya ….

Meelo badan oo ka mid ah Caalamka ayaa lagu waddaa in caawa laga arko dayax Madoobaad sidda ay shaaciyeen Hay’addaha la socda Arrimaha Saadaasha.

Meelahaasi ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, Magaalada Garowe ee Xarunta Dowladda Puntlamd , waxaana ay sheegeen Dayax Madoobaadka Caawa ee Muqdisho & Puntland waxaa uu socon doono 54 daqiiqo oo ka billaabata 6:14 Daqiiqo kuna eg 7:8 Daqiiqo ee fiidkii.

Dadka Soomaaliyeed oo ah Muslimiin ayaa waxa ay sameeyeen Markii ay dhacdo in Dayax Madoobaado in ay dukaddaan Salaadaha Khusuufka iyo Kusuufka.

Dayaxu waxa uu ku wareegaa dhulka, Dhulkana waxaa ku wareegaa Qoraxda, Markii muda’lajoogaba waxa dhacda in qoraxda oo sideedii caadada u ahayd ku jirta wareegeeda inuu soo dhexgalo dayax madoobaad sidda ay sheegayaan dadka bartay Cilmiga Sayniska.

Culimada Puntland ayaa Qorshe ay Dadka ku farayaan iney Cibaadeystaan.

Share This Post

Post Comment