DEG DEG| Dowladda Puntland oo Si adag uhadashay Xaaladda Tukaraq & Warkii Sheegayey…

Saraakiil katirsan Aqalka Madaxtooyada ee Puntland oo ay la hadashay PuntlandFM.com ayaa beeniyey
wararka sheegaya in Madaxda ugu sareysa ee dawladdu ay amreen in ciidamada dib loogu
soo celiyo saldhigyadooda, taas oo ay ku sheegeen mid aan waxba ka jirin.

Saraakiishan ayaa sheegay in ay Madaxda dawladda Puntland ku howlan yihiin sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka Qaran ee ka saaran dalkooda, ayna waajib tahay in ay dhinacyada oo dhan gutaan waajibaadka
saaran.

‘’ Wararkaas cidda faafinaysa ayaa leh dano siyaasaded iyo kuwa ay uga soo horjeedaan difaaca dalka
Puntland, waxaana ka go’an madaxda dawladda in ay qaataan doorkooda iyo hogaamintooda ku
aadan difaaca iyo horumarinta dalka’’ ayuu yiri Sarkaalkan oo lahadlay Puntland FM.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayay sheegeen saraakiishan in uu horeyba u
cadeeyey in Puntland ay difaacan doonto xaduudaheeda, ayna u taagan tahay sidii amnigeeda ay uga
shaqeyn lahayd.

Warkan wuxuu ku soo beegmayaa xili saacadihii ugu dambeeyey baraha bulshada iyo warbaahinta
qaarkeed lagu faafiyey macluumaad sheegaya in Madaxda ugu sareysa ee Puntland ay amreen in
cutubyada ciidamada Puntland ay ka soo baxaan deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan kuwa
Somaliland.
Guutooyin kamid ah ciidamada Difaaca ee Puntland ayaa ku sugan mudo ka badan 10 maalmood
deegaanka Tukaraq, oo ay qabsatay Somaliland 8­dii January, 2018 xiligaas oo ay Puntland ku
mashquulsaneyd arrimaha soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee
Soomaaliya.

Share This Post

Post Comment