DEG DEG: Fanaanka Cali Dhaanto oo lagu sumeeyay Kismaayo & Diyaarad Muqdisho ula soo Carartay

Xog gaara oo ay heshay Puntlandfm.com ayaa sheegeysa in Fanaanka Cali Dhaanto oo ka mid ah Fanaaniinta loogu jecel yahay Soomaaliya lagu sumeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada hoose.

Fanaanka Cali Dhaanto waxaa lagu sumeeyay aqalka madaxtooyada Jubbaland oo maalmahaan uu ku sugnaa, waxaana hada loola soo cararay Magaalada Muqdisho.

Dhaqaatiirta Isbitaalada Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in arinkan aysan waxba ka qaban karin sidaa awgeed waxaa loo cararay Muqdisho.

Wakaalada Puntlandfm.com ayaa la xiriirtay Fanaanka Cali Dhaanto laakiin inooma suura galin inaan helno, Faahfaahinta warkan goordhow la soco.

Share This Post

Post Comment