DEG DEG | Gudiga Amniga hada ka Shiraya Xaaladda Tukaraqa & Ciidanka Difaaca Puntland oo …

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in uu hadda kulan deg deg ah u socdo Guddiga
Amniga ee Puntland, kaas oo looga hadlayo xaaladdaha duulaanka Tukaraq lagu soo qaaday iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dhacay.

Saraakiisha ugu sareysa ciidamada Difaaca ee Puntland oo guddigan xubno ka ah iyo Madaxda dawladda Puntland ayaa madasha ku sugan, waxaana si dhab ah looga hadlayaa xaaladdaha taagan.

Warsidaha Puntland fm ayaa ogaaday in uu jiro wada hadal dhab ah oo ay caawa leeyihiin guddigan,
kaas oo wax badan looga hadli doono, gaar ahaana qadiyadda xoreynta dhulka maqan ee Puntland.

Saraakiisha ciidamada qaarkood waxay si cad u sheegeen in howlgalka dawladda Puntland uu yahay
mid ay ku xoreynayso deegaanada ka maqan gacanteeda kuna qoran Dastuurka dawladda oo an
aheyn wax qarsoon.

Waxaana lafilayaa in lagu soo bandhigo Istaraatiijiyad Dagaal oo Meesha lagaga saarayo Kooxaha kusoo duulay ee Somaliland.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment