DEG DEG | Kufsiyadii ugu Xumaa oo ka Taagay Puntland & War deg deg ah oo laga soo saaray …..

Wakaladada wararka e Reuters oo soo xiganaysa qaar ka mid ah hay’adaha Xuuqul Insaanka ee ka howlagala Puntland ayaa sheegtay in Ciidamada Puntland ay geystaan xad gudubyo ka dhan ah Haweenka ku sugan deeganadda maamulkaasi.

Xaawo Aadan Maxamed oo ah Agaasimaha xarunta Waxbarashada Iyo Hormarinta Nabadda oo fadhigeedu yahay Puntland ayaa u sheegtay Reuters in ay jiraan 3 kiis oo Kufsi ah oo ay u gudbiyeen Booliska illaa bishii December, kuwaasi oo la rumaysan yahay in ay ku lug leeyihiin Ciidamada maamulkaasi.

Waxaana ay intaasi ku dartay in ay sii kordhayaan kiisaska la xariira Kufsiga oo ay geysanayan Ciidamada Puntland, iyadoona sheegtay in dhibanayashaasi qaarkood ay  caawiso hay’adooda.

Dhinaca kale Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska ee Puntland  Ismaan Xasan Cawke ayaa beeniyay in ay jiraan eedeymahaasi loo jeediyay Ciidamadooda.

Waxaana uu sheegay in Puntland ay ka soo horjeedo Kufsiga, islamarkaana ay xabsiga dhigaan Askarigii ku dhaqaaqa fal Kusfi ah.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ay baari doonan eedeymaha Kufsiga ah ee la sheegay in ay ka dhaceen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Inta badan kiisaska la xariira Kufsiga ee ka dhaca Soomaaliya ayaa lagu xaliyaa xeer dhaqameed ciqaab looga dhigo dambiilaha, taas oo ah in loo guuriyo Gabadhii uu kufsaday.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment