DEG DEG | Kulanka Xasaasiga ee Golah Wasiirada oo Madaxweyne Shir gudoominaya & Xaaladda Tukaraq ….

­ Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shir gudoomin doona kulanka
golaha wasiiraddiisa, kaas oo khamiista ay yeeshaan waxaana looga doodi dona qodobo ay ka mid yihiin Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo warbixino guddigan ay soo gudbin doonaan.

Golaha Wasiirada ayaa ka wada hadlaya arrimaha ku saleysan dhanka Amniga, gaar ahaana xaaladda ku aadan duulaankii ay Somaliland bil kahor ku soo qaaday deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool, ilaa haddana gacanteeda ku jira.

Wararka ayaa sheegaya in guddi wasiiro ah oo loo xilsaaray xaaladdahan ay warbixin ka jeedin
doonaan kulanka golaha wasiiradda, sidaas oo kale waxaa la dhageysan doonaa macluumad laga
keenay jiidaha ay labada ciidan isku horfadhiyaan.

Golaha wasiirada ayaa dood adag ka yeelan doona arrimaha ku saabsan dabka iyo sidii gaadiid dabdamis
ah loogu heli lahaa magaalooyinka waa weyn ee Puntland, iyadoo laga duulayo shilkii dhawaan
ka dhacay Garoowe.

Wasiiraddu waxay amaro ka soo saari doonaan Kaalimaha shidaalka ee kudhexyaala magaalooyinka
Puntland, gaar ahaana waxaa la mamnuuci doona in laga dhex furo magaalooyinkaas, ka dib markii
dab ka dhashay Kaalin Shidaal uu sababay dhimashada 5 qof oo kamid ah dadka caasumada Puntland.

Si weyn ayaa indhaha loogu hayaa arrimaha ku saabsan dagaalka Puntland lagu soo qaaday bilowgii
bishii January, kaas oo ay Somaliland ku qabsatay deegaanka Tukaraq oo ahayd Kastamkii iyo
caasumada KMG ah ee gobalka Sool u ahayd Puntlan

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment