DEG DEG:- Maleeshiyaadkii Somaliland oo Isaga baxay Jiida Dagaalka una Ruqaansaday….

– Wararka naga soo gaaraya deegaanada Koonfurta gobalka Sool ayaa sheegaya in maleeshiyadii Somaliland ka joogtay deegaanadaas qaar kamid ah hadda loo daad- gureeyey deegaanka Tukaraq oo ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, waxaana gabi ahaanba goordhaw Koonfurta gobalkaas ka baxay Somaliland.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada halkaas joogay ay u joogeen in ay sugan Amniga deegaanadaas, lana geeyey markii ay dhawaan jireen dagaalo u dhaxeeya labo beelood oo wada daga
hawdka gobalada Sool & Nugaal ay ka wadaan aaggaas.

Maleeshiyada cusub ee laga soo qaaday deegaanadaas ayaa la geeyey goobo ku dhaw magaalada
Laascaanood, gaar ahaana wadooyinka aada deegaanada ka fog laamiga ee Koonfurta oo ay cabsi
ka qabaan in ciidamo ka socda Puntland ka yimaadaan.

Warar hordhac ah oo ay heshay PuntlandFM ayaa sheegaya in uu jirro kala shakigii ugu weynaa oo soo kala dhexgalay
saraakiisha ciidamada Somaliland, iyadoo saacadihii u dambeeyey la maqlayo warar sheegayahowlgalo Milateri oo laga yaabo in ay deegaanadaas ka bilowdaan.

8 January 2018, Somaliland ayaa qabsatay deegaanka Tukaraq oo ay joogeen ciidamada Puntland,
halkaas oo ay ciidamadu uga baxeen si nabadgalyo ah, bacdamaa xiligaas uu kusugnaa magaalada
Garoowe Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo.
Xiisadda u dhaxaysa labada dhinac waxay hadda maraysaa heerkii ugu sareeyey waxayna qolo kasta ciyaaraysaa awoodeeda oo ay keenayso jiidaha dagaalka, taasina waxay muujisay rajada laga qabi
karo dagaal cusub oo laga baaqsado.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment