DEG DEG | Masuuliyiin katirsa DFS oo goordhow soo gaadhaya Puntland ….

Cabdi Canshur Xasan Wasiirka Wasaaradd Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya wafti uu hogaaminayo  ayaa gor dhaweyd  kasoo ambabaxay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaana ay ku soo jeedaan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Dowladda Puntland.

Wassirka oo lahadalay Puntland FM ayaa sheegay in u jeedka socdaalkiisa uu yahay mid ku saabsan sidii loo hirgellin lahaa Sharci Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Soomaaliya islamarkaana uu wada-tashiyo kuwaa oo uu la sameynayo Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta Maamul Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana uu intaasi raaciyay in Boostadi dalka dib loo soo nooleynayo lagana bilaabayo Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment