DEG DEG | Qarax Xoogan oo gil gilay Magaalada Boosaaso & Tirada dhimashada oo gaartay …

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax xoogan oo haatan ka dhacay gudaha magaaladaasi Bosaaso.

Qaraxani ayaa waxaa lala eegtay gaadhi nooca ciidamada ah oo ay wateen ciidamada Badda Puntland kaas oo sababay khasaarayaal kala duwan oo soo gaadhay ciidamadii saarnaa gaadhigaasi iyo sidoo kale dad shacab ah.

Ugu yaraan ilaa 4 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi sida ay shegayaan warar hor dhac ah oo aanu ka helayno magaalada Boosaaso, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo soo gaadhaya ciidamada Badda Puntland iyo dad kaleba.

Xaalada magaalada Boosaaso ayaa maanta kacsan, waxaana socda hawlgalo ay wadaan ciidamada amaanka Puntland kuwaas oo lagu baadhayo sababaha ka dambeeyey qaraxaasi iyo cida soo abaabushay.

KALASOCO HALKAN WARAR DEG DEG AH 

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment