DEG DEG:- Qarax Xoogan oo gil gilay Magaalada Gaalkacyo & Qasaaraha dhimashada ….

Sidda uu ku waramayo Wariyaha Puntlandfm.com  ee magaalada Gaalkacyo waxaa goor dhaw qarax ka dhacay gudaha magaalada, gaar ahaana Agagaarka Hotel Jirde ee xaafadda Israac, waxaana laga wada maqlay magaalada.
Wararku waxay sheegayaan in uu ku dhaawacmay qaraxaas Sarkaal sare o katirsanaa ciidamada Difaaca, magaciisana lagu sheegay Faarax Caato.

Gaarigiisa ayaa la sheegay in loogu xiray qaraxan, uuna dhaawac culus soo gaaray, oo hadda lagu
dabiibayo mid kamid ah Isbitaalada magaalada Gaalkacyo.

Ma jirto faahfaahin ku saabsan waxa dhacay oo ka soo baxaya maamulka Gobalka iyo kan degmada
Gaalkayco, balse dhawaan ayay ahayd markii qaraxan oo kale lala beegsaday kuxigeenka duqa
magaaladas oo dhaawac fudud soo gaaray.

 

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment