DEG DEG | Qiiq & Uuro Qarisay Jiida dagaalka Tukaraq & Madaafiic Xoogan oo lagu garaacayo…..

 Wararka naga soo gaaraya deegaanada ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa maamulka la baxay Somaliland ayaa sheegaya in uu jiro iska horimaad xoogan oo dhexmaraya ciidamada Lugta oo isku helay aag cusub.
Wararku waxay sheegayan in deegaan ku dhaw buurta lagu magacaabo Labo­Madaxley laga maqlayo rasaasta ciidamada lugtu ay isku adeegsanayaan, waxaana aan jirin ilaa hadda faahfaahin dheeraad ah oo la maqlayo.
Saraakiisha ciidamada qaarkood oo ay la hadashay PuntlandFM wey ka gaabsadeen, waxayna qaarkood ku sifeeyeen iska horimaad kooban oo ilaa hadda rasaastiisa la maqlayo.
Goobjoogayaal ku dhaw deegaanka Tukaraq ayaa sheegay in ay maqlayaan gaadiidka dagaalka hubka dhacaya iyo midka ay adeegsanayaan askarta lugta ah, taas oo ka dhigan dagaal toos ah.
Kalaso Puntland FmWixii kusoo kordha Dhaq dhaqaaqa kasocda Deegaanadaas.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment