DEG DEG| QM oo War deg deg ah kasoo saartay dagaalada kasocda Sool…..

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midowbay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo warbixin kooban siiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midowbay ayaa ka deyriyey xiisada colaadeed ee u dhaxeysa Puntland & Somaliland, taas oo hadda halis u taagan dagaal rasmi ah oo dhexmara labada ciidan.

Ergayga ayaa sheegay in xiisadaas xalinteeda ay u mareen wadooyin kala duwan, gaar ahaana xubno katirsan golaha Amaanka ee Qaramada Midowbay la kaashadeen, balse aysan jirin wax ilaa hadda heshiis ah oo la gaaray.

Ergaygu wuxuu sheegay in ay labada dhinacba u soo jeediyeen ciidamada la kala qaado gabi ahaanba, ilaa haddana aysan jirin wax ka hirgalay, wuxuuna cadeeyey in wali ay wadaan dadaaladooda ku aadan sidii qorshahaas looga miro dhalin lahaa.

Xubnaha golaha ayaa ugu baaqay labada maamul ee Puntland & Somaliland in xooga la saaro sidii loo dhisi lahaa hanaan nabdeed, loogana durki lahaa dagaal ka dhaca deegaankaas, oo ay sheegeen in uu yahay mid welwel galinaya beesha Caalamka.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment