DEG DEG | Saan Saan dagaal oo ka Jirta Jiidaha Dagaal & Ciidanka Difaaca oo u ruqaansaday ..

Waxaa meel wacan maraya hawlgalka xoreynta gobolka Sool, iyadoona ciidamada difaaca Puntland ay isku diyaarinayaan haatan dagaal cusub oo ka dhan ah ciidamada maamulka Somaliland, waxaana xiligani ku sugan jiidaha hore ee gobolka Sool ciidamadii ugu badnaa kuwaas oo qorshahoodu yahay in ay awood dagaal kula wareegaan guud ahaanba gobolka Sool.

Madaafiicda goobta dagaalka ayaa iyana kusii qul qulaya jiidaha dagaalka, waxaana maalin kasta gaadhaya furimaha dagaalka Tukaraq ciidamo hor leh kuwaas oo isugu jira ciidamada difaaca Puntland iyo ciidamo beeleed ka kala imaanaya goboladda Puntland si ay uga qayb qaataan hawlgalka xoreynta gobolka Sool.

Qorshaha dagaalka gobolka Sool ayaa inta badan la isku raacay, waxaana saraakiisha ciidamada difaacu ay isku af garteen xiliga la qaadi doono dagaalka lagaga saarayo gobolka Sool ciidamada Somaliland.

Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo gaadhay jiida hore ayaa saraakiisha ciidamada kala hadlay qorshaha dagaalka gobolka Sool, isagoona ku dhiiri galiyey ciidamada difaaca ay ugu jiraan dhulkooda.

Dr. Gaas ayaa saraakiisha ciidamada ka dhagaystay warbixino ku aadan xaaladaha dagaalka iyo baahi yaha ciidamada Puntland, waxaana uu ujeediyey madaxweyne Gaas saraakiisha ciidamada in ay isku diyaariyaan dagaalkii ugu cuslaa ee ka dhanka ah ciidamada Somaliland.

Marka laga yimaado booqashadii uu xalay madaxweyne Gaas ku tagay jiidaha hore ee dagaalka Tukaraq, waxaana isna safar dhanka dhulka ah qorshaynaya in uu maalmahan kusoo gaadha deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi xili ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha dagaal ee deegaanka Tukaraq.

ilo xoggo gaal ah oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Puntland ayaa u sheegay Puntlandfm.com in ay baajin doonaan safarka deegaanka Tukaraq ee Muuse Biixi isla markaasna ay awood dagaal ku wajihi doonaan ciidamada Puntland isla maalmahani saldhigyada ciidamada maamulka Somaliland uu ku leeyahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, taas oo ka dhigan in uu dhici karo dagaal aan joogsami doonin oo dhex mara dhinacyada Puntland iyo Somaliland.

Saaka ayey ahayd markii deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ay madaafiic isku waydaarsadeen ciidamada Puntland iyo Somaliland, taas oo soconaysay xili kooban.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment