DEG DEG | Saraakiishii ugu Sareysay Puntland oo goordhow gaadhaw Jiida Tukaraq …

Wararka naga soo gaaraya deegaanada ay ku dagaalamayaan ciidamada Difaaca Dawladda Puntland iyo maleeshiyaadka Somaliland ayaa sheegaya in laga maqlay waqtigan oo ah aroornimo hore hubka culus oo ay dhinacyadu isku ridayaan.

Wararka ayaa sheegaya in ay jireen tan iyo shalay howlgal dhanka madaafiicda ah oo ay wadeen ciidamada PUNTLAND si loo burburiyo goobaha ay cadowga ku dhuumanayan.

Ilaa hadda majiro dagaal toos ah oo ka bilowday aagaga ay ciidamadu isku horfadhiyaan, balse wararka laga helayo dadka reer miyiga ah ayaa sheegaya in mararka qaarkood la maqlayo rasaas goos-goos oo ka dhacaysa gaadiidka yar yar ee dagaalka.

Dawladda Puntland waxay hoosta ka xariiqday in aan marnaba la joojineyn dagaalka gobalka Sool, ilaa laga gaaray xaduudaha ay la wadaagto gobalada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, waxaana muuqata in talaabadan ay tahay mid dagaal lagu gaarayo.

Saraakiisha ciidamada Puntland wey ka gaabsadeen arrimaha dagaaladan in ay ka hadlaan, waxayna mid kamid ah u sheegeen Puntlandfm.com in ay arrimahan dagaaladan ka hadli karaan Golaha Xukuumada, gaar ahaana Guddiga Difaca oo howshiisa ay tahay dagaalada socdaa.

Share This Post

Post Comment