DEG DEG| Somaliland oo soo bandhigtay Hubkii ugu badnaa & Xiisad Xoogan oo kataaga….

Ciidamada Somaliland ayaa gacanta ku dhigay hub iyo rasaas loo waday maleyshiyaadka ku dagaalamaya gobolka Sanaag, gaar ahaan degaanka Dararweyne ee degmada Ceel-Afweyne oo dhawaan uu ka dhacay dagaal lagu hoobtay oo dhexmaray labo beel oo walaalo ah.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa warbaahinta u sheegay in hubkaan la qabtay uu yahay hub maamulkoodu leeyahay oo laga iibsaday magaalada Burco, si loogu caawiyo mid kamid ah maleyshiyada beeleedyada dagaalamay.

Mid kamid ah beelaha dagaalamaya ayaa kasoo jeeda degmada Burco, waxayna arrintaan kusoo beegmaysaa kadib markii dhawaan Salaadiinta beesha Garxajis ee habar Yoonis ay sheegeen inay dagaalka galayaan, iyagoo u aanaynaya inuu madaxweyne Muuse Biixi uu faraha la galay colaada.

 

Share This Post

Post Comment