DEG DEG:- Tukaraq oo Saaka Oloeysa & dagaal qadhaadh oo

Wararka naga soo gaaraya Jiidaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa sheegaya in xaaladaha dagaaladaas ay hadda u muuqdaan kuwa daafaha u baxaya oo ay sheeda iska eeganayaan dhinacyadu.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada labada dhinacba ay ku durkeen jiidaha dagaalka cabsiduna ay xili kasta tahay mid sii kordhaysa.

Labada dhinacba waxay wadaam abaabul dagaal oo muuqda waxaana welwel laga qabaa dagaalo xoog leh, bacdamaa aysan jirin ama muuqan saansaan nabdeed.

Wafdi kasocda Somaliland ayaa shelay tagay Tukaraq waxay lakulmeen saraakiisha ciidamadooda oo ay kala hadleen arrimaha dagaaladan, waxaana ay aad uga wada hadleen marxaladdahan.

Abaabil ciidan ayay wadey Puntland maalmihii lasoo dhaafay kaas oo aan xog badan laga heynin ilaa hadda.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment