DEG DEG UDAAWO-Qaabkii loogu Hoobtay Magaalada Laascaanood & Tirada dhimashada ….

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in gaari ku rogmaady Magaaladas ay ku dhinteen Dad gaaraya ilaa sedax ruux halka ruux qof kalana uu soo gaaray dhaawac.

Halka ruux ee dhaawacmay iyo sedaxdii ruux geeriyootay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Guud ee Magaalada laasacanood ee Gobolka Sool.

Laamaaha Amaanka ee soomaaliland ayaa sheegay Shilka uu ku yimid kadib markii gaariga oo xawaare dheereeya ku socda uu six un ugu rogmaday wadada, gaariga ayaana gabi ahaanba waxaa soo gaaray bur bur xoogan.

Gaariga rogmaday ayaa ahaa gaari NOAH ah wuxuuna ka ambabaxay Magaalada Gaalkacyo wuxuuna ku sii jeeday Magaalada hargeysa ee xarunta Soomaalialand, laakiin inta uusan agarin ayuu ku rogmaday Magaalada Laascaanood.


Inta badan shilalka ka dhaca wadada dheer ee Laascaanood ayaa wuxuu yimaadaa, iyadoo wadayaasha gaadiidka ay si xoogan u wadaan gaadiidka, maadaama wadada ay tahay mid nadiif ah.

Share This Post

Post Comment