DEG DEG UDHAGEYSO| Qaabkii Dhulka lala Jaray Faroole & Puntland oo wacad ku martay in Hargeysa Xoog ku galayaan !

Xilli maanta ciidamada difaaca Puntland ay dagaal xoogan ku qaadeen ciidamada maamulka Somaliland ayaa waxaa arintaasi ka hadlay qaar kamid ah shacab weynaha ku dhaqan deegaanada Puntland.

Aqoon yahan C/qaadir Shakuul oo kamid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa waxa uu sheegay in midnimadda Puntland ay tahay lama taabtaan ayna u diyaar garoobaan shabacabka Puntland qabashada deegaanada ka maqan gacanta dowladda Puntland lana difaaco ciida iyo calanka, waxaana uu xusay aqoon yahanku in talada Puntland ay meel qudha ka go’do isla markaasna loo daba fadhiisanayo cida hogaanka u ah dalka.

C/qaadir Shakuula ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hadalkii Dr. C/raxmaan Faroole kasoo yeedhay dhawaan uu ahaa mid aan ku wanaagsanayn warbaahint, isagoona xusay in uusan shacabka Puntland wakiil uga ahayn dib u xoraynta gobolka Sool matali karina guud ahaanba shacabka ku dhaqan gobolka Nugaal iyo Puntland oo dhan.

Share This Post

Post Comment