DEG DEG| Waa Sidee Xaaladda Saaka Tukaraq & Dhaq dhaqaaqo Dagaal oo Ciidamada…….

Waxaa Saaka Si weyn usocda dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay wadaan ciidanka DOwladda Puntland kuwaas oo looga gol leeyahay sidii looga xureyn lahaa Ciidamada Dowladda Puntland ayaa waxaa la geliyey Heegankii ugu Cuslaa iyadoo loo diyaariyey iney xoreeyaan deegaanada ay Somaliland kusoo duushay.

Wararkii ugu dambeeyey ee saaka ay heshay Shabakadda Puntland FM ayaa waxa ay tibaaxayaan in saacadaha soo aadan Ciidamada Puntland ay bilaabayaan Dagaal qaraar oo la sheegay in gebbi ahaanba looga tir tiri doono Maamulka hargeysa deegaanada xooga ku qabsatay.

Hadaba Ciidamadan ayaa loo dhameeyey Dhamaan agabkii ay ku dagaal gali lahaayeen waxaana lagu soo waramayaa in niyadooda aad u heer sareyso.

Beelaha daarood ayaa beryihiin ugu dambeeyey Kulamo kala duwan ay wadeen waxa ay ku go’aan in meel looga soo wada jeesto Maamulka Somaliland.

LASOCO WIXII KUSOO KORDHA

Share This Post

Post Comment