DEG DEG ” WAR CULUS | ”Gacantii Puntland kusoo xad gudubtaa Waanu goyn doonna” Waxaa Sidaa Yidhi ….

Bilowgii Bishan ee January ayaa waxa ay aheyd markii Maamulka Somaliland ee uu Hogaaminayo Muuse Biixi ciidankiisu ay qabsadeen Tukaraq oo ah dhul Puntland ay leedahay.

Tan & Xiligaasi waxaa  dhowr jeedh dagaalo qaadhaadh  ay isugu horyimaadeen Ciidanka Difaaca ee Xaq udirirka ee Puntland & Kuwo soo duulay ee Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya deegaanka Tukaraq duhurnimadan isla markaana Puntlandfm.com ay heleysa ayaa waxa uu yahay in xaaladdu dagan tahay oo aanu xilgan jirin waxa dagaal ah.

Sarkaal katirsan Ciidanka Difaaca Puntland oo lahadlay Puntlanfm.com ayaa sheegay in dhankooda ay siweyn ay diyaar ugu yihiin dagaalka Isla markaana ayku kalsoon yihiin awoodooda Difaaca dhul weynaha Puntland.

“Aad baan ugu Ugu Kalsoon inan Difaaci karno oo aan nala loodi kareynin, Waayo waxaanu Heysnayaa Kalsoonida shacabka Puntland, Gacantii Puntland kusoo xad gudubtaa Waanu goyn doonna” ayuu yiri Sarkaal oo diiday Magaciisa inan Xigano.

Weli waxaa lakala joogaa halkii shalay lagu dagaalamay waxaana Dhanka Puntland siweyn looga diyaar garoobay dagaalkaas.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment