DEG DEG | War Culus oo caawa kasoo kordhay Tukaraq & Xiisada oo gaartay halkii ugu sareysay…

Xilli ay sii xoogaysanayaan xiisadaha u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ee ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in hogaamiye Cali Khaliif Galaydh iyo xubnaha ugu sar sareeya maamulka Somaliland uu soo kala dhex galay khilaafkii ugu xooganaa.
Warsidaha Puntland FM oo arimahaasi daba gal xoogan ku sameeyey ayaa xoggo uu helay waxa ay tibaaxayaan in Prof. Cali Khaliif Galaydh uu niyad jab kala amba baxay magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland kadib markii hogaamiyaha maamulkaasi Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha ugu sar sareeya ay dhabar jab xoogan ku sameeyeen qorshihiisii ku aadana baahinta iyo gaadhsiinta maamulka Somaliland deegaanada ka baxsan gacantiisa ee goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn oo qorshihiisu ahaa Mr. Galaydh in uu ku hogaamiyo ciidamada Somaliland qabsashada deegaano hor leh.
Waxaa sidoo kale wararku intaasi kusii darayaan in madaxda maamulka Somaliland kadib shir weyne ay yeesheen ku go’aan sadeen in daaqada laga saaro qorshahaasa Cali Khaliif iyo hir gelinta heshiishkii dhex maray isaga iyo maamulka Somaliland kaas oo ay u hakiyeen sababo dhaqaale xumo ah maadaama miisanad culus ay ku baxayso xili walba ruqaansiga ciidamadooda iyo hirgelinta qorshaha Cali Khaliif oo salka ku haya in ciidamada Somaliland ay gaadheen deegaanka Yoocada iyo sidoo kale in ay qabsadaan magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn taas oo dagaal lagu hoobto u horseedi karta ciidamada maamulka Somaliland iyo bur bur dhaqaale oo soo wajaha.
Hadaba Cali Khaliif Galaydh ayaa la sheegay in uu faro madhan kaga amba baxay magaalada Hargeysa, isagoona si toos ah ugu duulay dalka Maraykanka oo uu dhalasho ka haysto kuna nool yihiin qoyskiisu.
“Dhulka dad baa leh intaan Gaaladu imaanba waa la kala lahaa” sidaasi waxaa yidhi Prof. Cali Khaliif Galaydh mar uu ka hadlayey xiisada u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ee gobolka Sool, isagoona hore loogu yaqaanay in uu lasoo safto maamulka Somaliland oo duulaan ay kusoo wada qaadaan mar walba Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaanse haatan uu u muuqdaa in uu is badalay qorshihiisu Mr. Galaydh kadib markii uu isagoo fara madhan dib ugu laabtay dalka Maraykanka.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasada ayaa sheegaya in hadalka Cali Khaliif uu u dhigan yahay guul daro hor leh oo kasoo wajahday dhanka asxaabtiisii Somaliland maadaama xiligani looga baxay balanqaadyadii lala galay kal hore wakhtigii wada hadalku u socday isaga iyo maamulka Somaliland, taas oo u muuqata in bah dil xoogan uu kala kulmay Cali Khaliif maamulka cusub ee Muuse Biixi oo isagu wax badan ka badalay siyaasadii Somaliland khal khalna galiyey deegaanada uu ka arimo ee Waqooyiga Soomaaliya oo qaarkood ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Beesha Isaaq marka laga yimaado jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq oo ciidamadiisa ay isku kulaalayaan kuwa Puntland.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment