DEG DEG:- War Culus oo Naga soo gaadhay Laascaanood & Xiisad dagaal oo ka Taagan …

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa sheegaya in ay dabley hubeysan oo loo maleynayo in ay yihiin dad u dhashay deegaanka ay weerar culus xalay ku qaadeen labo kamid ah saldhigyada ciidamada Somaliland, gaar ahaana kuwa Milateriga ee gudaha magaaladaas kuyaala.

 

Wararka ayaa sheegaya in weerarka koowaad lagu qaaday mid kamid ah baabuurta dagaalka oo ay lahayd Somaliland, waxaana la gubay baabuurkaas oo uu saarnaa qori dagaal, waxaana ku dhintay sadex kamid ah maleeshiyaadka maamulkaas ee kusugnaa gudaha magaalada.

 

Weerarka labaad oo u badnaa Hoobiyayaal iyo Baasukayaal ayaa lagu weeraray xero ciidan oo kutaala duleedka magaalada, ilaa haddana ma jirto wax faahfaahin ah oo laga hayo, marka laga reebo holac dabeed oo ka baxayay habeenimadii xalay.

Goobjoogayaal ay la xariirtay Puntlandfm.com waxay u sheegeen in uu weerarkan dhacay saqdii dhexe ee xalay oo aysan ogaan Karin faahfaahin dheeraad ah, balse ilaa haddana ay maqleen dhimashada 4 kamid ah askarta Milateriga ee ciidamada Somaliland.

Ma jirto wax faahfaahin oo ka soo baxay maamulka gobalka Sool ee dhinaca Somaliland, waxaana muuqata in weeraradan ay la mid yihiin kuwa horey u dhacay, isla markaasna Somaliland galiyey welwel weyn oo ku wajahan cabsida ay ka qabaan dagaal ka dhaca gudaha Laascaanood.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment