DEG DEG | Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Tukaraq & Ciidanka Soomajeestayaasha Puntland oo…

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo dagaalka u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa sheegaya in gaadiidka dagaalka iyo ciidamo si khaas ah u tababaran ay weerar ku qaadeen saaka subaxnimadii hore ciidamada Somaliland kuwaas oo khasaarayaal kala duwan gaadhsiiyey cadowga.

Ciidamada dagaalkani galay ayaa la sheegay in ay iskugu jireen qaar kamid ah ciidanka madaxtooyada Puntland iyo ciidamo uu hogaaminayey sarkaalka mayalka adag ee dagaalka kala soo hor jeeda ciidamada Somaliland Korneyl Faysal Falaalug, waxaana xoggaha aan ka helayno dagaalkaasi ay tibaaxayaan in khasaare xoogan uu sababay.

Inkastoo ilaa haatan aanan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi ayaa saraakiisha ciidamada Puntland oo aan xidhiidh la samaynay waxa noo sheegeen in khasaare ay gaadhsiiyeen ciidamada Somaliland kana qabsadeen deegaano hor leh oo ay hore ugu sugnaayeen kuwaas oo saldhigyo ciidan u ahaa ciidamada Somaliland.

Ciidamadan goobta dagaalka gudaha u galay ayaa sida la sheegay ka damqaday dhibaatada lagu hayo shacabkooda Puntland, waxaana ay mar qudha afka hore ku qaateen malayshiyaadka Somaliland ee duulaanka kusoo qaaday deegaanada Puntland, iyagoona weerar ku ekeeyey goobo badan oo kamid ah jiidaha hore ee dagaalka.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment