DEG DEG | Wararkii ugu dambeeyey Xaaladda Tukaraq oo ololeysa …..

Goobjoogayaal kusugan deegaanada Gambara iyo Fararyaale ee gobalka Sool oo ay ku kala xoogan yihiin labada dhinac, ayaa u sheegay Puntland FM in labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay xiisadu ka soo dagtay sidii ay ahayd.

Puntland oo deegaankaas geysay cududii ugu badneyd ayay wararku sheegayaan in ay wali sheegayso in ay qaadayso howlgal lagu difaacayo deegaankan iyo gobalka Sool, oo gacanteeda ka maqnaa 11-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Dadaalo ay garwadeen ka ahaayeen Beesha Caalamka, Dawladda Faderaalka, Dalalka jaarka ah iyo Culumada Diinta ayaa u muuqda kuwa miradhal ka dhigi kara dagaaladas oo la baajiyo, inkastoo aysan jirin is afgarad ay ogaatay Puntland FM.

Somaliland & Puntland waxaa la kala safan xubno ka soo jeeda deegaanada lagu dagaalamayo, waxaana wararku sheegayaan in ay jireen maalmihii u dambeeyey wada hadalo siyaasadeed oo u socday siyaasiinta gobalka Sool, oo ay ku doonayaan in dagaal looga baajiyo deegaankan.

 

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment