DEG DEG | Wararkii ugu dambeeyey Xiisadda Tukaraq & Diyaargarowga & Dhaq dhaqaaqqyada ciidan ….

Wararka ka imaanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyadii ugu xoogani ay wadaan deegaankaasi ciidamada Puntland iyo Somaliland oo mid walbaaba dhankiisa isku diyaarinayo dagaal culus.

Wararku waxa kale oo ay intaasi kusii darayaan in ciidamada Puntland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ay hore ugu sii siqeen deegaano aysan ku sugnayn markii hore isla markaasna wadaan dhaq dhaqaaq dagaal oo aad u culus.

Sidoo kale ciidamada maamulka Somaliland ayaa iyaguna dhankooda ka wada dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan, waxaana ay ciidamo badan keeyeen saldhigii ciidamada Puntland ay weerarka ku qaadeen dhawaan kaas oo ay aad u xoojiyeen ciidamadii ku sugnaa.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warsidaha Puntlandnews.net ayaa sheegay in gaadiid dagaalka iyo saan saan colaadeed ay ka muuqato jiidaha hore ee gobolka Sool isla mar ahaan taana ciidamada laba dhinac ay wadaan dhaq dhaqaaqyo xoogan oo sababi kara dagaalo kale oo ka dhaca deegaankaasi Tukaraq.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment