DEG DEG | Wararkii ugudambeeyey dagaalka Tukaraq & Rasaas & Madaafiic ………

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo xiisadda maalmaha dheer ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool, ayna isku horfadhiyaan Puntland & Somaliland ciidamadii ugu badnaa oo ay geeyeen deegaanadaas.

PuntlandFM.com ayaa ogaatay in saacadihii u dambeeyey si buuxda ay dhinacyadu ugu diyaar­garoobeen dagaal rasmi ah oo ay isku qaadaan saacadaha nagu soo wajahan.

Saraakiisha kala hogaaminaysa labada dhinac waxay ciyaarayaan dadaal kasta oo uu midba ku guuleysto, waxaana qolo kasta ay filaysaa in ay hesho guusha kama dambeysta ah ee dagaalkan.

Ilo ka madax banaan labada dhinacba waxay daaha ka rogayaan in 48 saac ee soo socota cabsi weyn laga qabi karo dagaal rasmi ah oo ka qarxa Tukaraq, ayna cabsida ugu badan tahay in dagaalkaas uu noqdo saameyn weyn yeesha.

Ka sokow diyaar­garowga dagaal ee labada dhinacba muujiyeen, haddana cabsi ayaa laga qabi karaa in xaaladdu nooc kasta isku bedeli karto dagaal culus.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midowbay u qaabilsan Soomaaliya oo ka hadlayay magaalada NEW YORK, wuxuu u sheegay golaha Ammaanka QM in cabsi weyn laga qabi karro dagaal weyn oo labada dhinac ka dhex bilowda maalmaha nagu soo aadan.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment