DEG DEG:- Warkii ugu Cuslaa oo aan ka Helnay Jiida Dagaalka Tukaraq & Madaafiicda darandiiga udhaca oo….

– Sida uu Wariyaha PTFM magaalada Tukaraq ee gobalka Sool ayaa sheegaya
in dhaqdhaqaaqyada ciidan ee u dhaxeeya Puntland & Somaliland uu kordhay saacadihii ugu dambeeyey, waxaana la maqlay hubab kala duwan iyo dhaqdhaqaqyada oo sidii hore ka duwan.

Goobjoogayaal kusugan goobaha ay kala jogaan labada ciidan ayaa sheegay in ay maqlayaanhubabka ilaa shalay ay isku ridayaan labada dhinac iyo gaadiidka Tiknikada ah oo ka guuraya goobihii
ay horey u joogeen.

Goobjooge diiday adeegsiga magaciisa ayaa sheegay in dhiilada hadda taagan ay ka duwan tahay kuwii horey u taagnaa, lagana yaabo in ay isku bedesho dagaal rasmi ah oo ay dhinacyadan isku
qaadaan.

Warar hoose oo ay Heshay Puntlandfm.com ayaa cadeynaya in Puntland ay si buuxda ugu diyaar garowday dagaal lagu qaado
Somaliland, oo ku soo xadgudubtay qaar kamid ah xaduudaheeda, isla markaasna 8-dii bishan qabsatay magaalada Tukaraq ee gobalka Sool.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment