DEG DEG:- Warkii ugu Cuslaa oo Hada kasoo kordhay Jiida hore Dagaalka Tukaraq ….

Xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool ayaa degan, waxaana iska jirta xiisad colaadeed oo u dhaxeysa maamulada Puntland & Somaliland oo ciidamadii ugu badnaa ay ka joogaan deegaankaas tan iyo markii ay Somaliland qabsatay deegaankaas bilowgii bisha January.

Diyaar garoow dagaal oo yareyn ayaa ka muuqda jiidaha dagaalka, gaar ahaana waxay labada dhinacba u muuqdaan kuwa isku diyaariyey dagaal mudo dheer qaadan kara, oo ay abaabulkiisa ka soo bilaabeen deegaano aad uga durugsan halka ay colaaddan ka taagan tahay.

Saacadihii ugu dambeeyey xubno katirsan madaxda labada dhinac ayaa lahaa kulamo ku aadan xaaladdaha taagan mudada bisha ku dhaw iyo sidii loo wajihi lahaa xaaladdan, kuwaas oo ka kala dhacay Garoowe & Laascaanood oo ay kala degan yihiin labada maamul-ba.

Dadaal heer caalami ah ayaa saaran labada maamul, kaas oo lagu qasbayo in aysan qaadin talaabo weerar dagaal ah, dibna loo kala qaado ciidamada faraha badan ee lays kugu keenay goobahaas, waxayna hogaamiyaashoodu ilaa hadda qaadan go’aan cad oo ku aadan xaaladda.

Culumada Diinta ayaa qeyb ka qaadanaya sidii loo baajin lahaa dagaal ka dhaca gobalka Sool,

waxayna xooga saraayan sidii Madaxda Puntland looga raadi lahaa in aysan qaadin weerar dagaal oo sababaya dhimasho, dhaawac, barakac iyo bur-bur Hantiyeed oo labada dhinacba gaaraya.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment