DEG DEG:- Wasiiro Somaliland oo Gudaha Ugalay Tukaraq & Xiisadda oo Cirka isku sii shareertay …

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool ayaa sheegaya in ay halkaas soo gaareen wasiiro katirsan Xukuumada Somaliland oo ay ku jiraan xubno shalay ka soo tagey magaalada
Hargeysa, isla markaasna doonaya in ay la
kulmaan taliyaha ciidamada Somaliland Jen,
Nuux Taani Ismaaciil.

Wararku waxay cadeynayaan in xubnahan
wasiiradda ah ay shirar la qaadanayaan hadda Taliska ciidamada Somaliland oo ay ka wada hadlayaan xaaladdaha taagan iyo cadaadiska saaran maamulkooda ee kujiheysan in ay dib uga soo
laabtaan deegaankaa.

Xiisad ayaa ka dhalatay booqashada wafdigan, waxaana la maqlay rasaas ka dhacaysa gudaha
ciidanka Somaliland, taas oo ka dambeysay markii ciidamo gadoodsan oo diidan dagaalka Tukaraq iyo isku shaandheyn lagu sameeyey saraakiishooda ay buuq sameeyeen.

Xiisaddan kacsan ayaa u muuqata mid sababi karta dagaal buuxa oo dhexmara labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland, waxaana hadda muuqda saan-Saanta dagaal oo sii kordhaysa.

Warar aan la xaqiijin aya sheegaya in wafdiga Somaliland ay hordhac u yihiin wafdi uu hogaaminayo
Madaxweynaha maamulkaas Muuse Biixi Cabdi oo maalmaha nagu soo fool leh kusoo wajahan
magaalada Laascaanood.
Somaliland ayaa duulaan qorsheysan ku qabsatay deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool bilowgii bishan January ee dhamaadka ah, waxayna wixii xiligaas ka dambeeyey bilaabeen abaabulka dagaal
iyo Hanjabaado ay u soo jeedinayaan Puntland.

 

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment