DEG DEG | Xaaladda Boocame oo caawa Kacsan & Maleeshiyaadkii isku dayey oo Cagta lamariyey

Warbaahinta Puntlandtimes ayaa baaris iyo dabagal ku sameysay warar soo baxay oo sheegayey in ciidamo katirsan Somaliland ay tageen degmadaas, isla markaasna ay halkaas kula hadleen qaar kamid ah waxgaradka magaaladaas.
Wariyaha PuntlandFM ee magaalada Laascaanood oo la xariiray dadka deegaanka ayaa ogaaday in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Somaliland ay tageen deegaankaas, balse ay jireen Ciidamo hubeysan oo ka tirsan maamulkaas oo ku dhawaaday deegaankaas, halkasna ugu tagey maleeshiyaad isku dayay in ay ku biiraan.
Saraakiil katirsan dawladda Puntland ayaa beeniyey jiritaanka wararkan, waxayna sheegeen in cidda ka dambeysa ay tahay kuwa leh ujeedooyin guracan oo ay doonayaan in ay jaha­wareeriyaan Shacabka Puntland.
Goobjooge kusugan magaalada Boocame ayaa usheegay PuntlandFM in maleeshiyo ka soo jeeda deegaankaas oo taabacsan Somaliland ay isku dayeen in ay xalay u soo gudbaan dhinaca Boocame, balse laga hortagay oo ay dib uga baqdeen.
Is balaarin weyn ayay labada dhinac ee Puntland & Somaliland ka wadaan deegaanada Barriga iyo Galbeedka ee gobalka Sool, xiisadda colaadeed ee ay kala qabaan ayaa gaartay heerkii ugu sareeyey.
Xubnaha wasiiradda Somaliland ee ka soo jeeda gobalka Sool, waxay saacadihii ugu dambeeyey kordhiyeen damacooda ku aadan in maleeshiyaad badan ay ka helaan deegaanada gobalkaas, iyagoo adeegsanaya Lacago fara badan oo u badan balan­qaadyo, xili ay dadka deegaanka qadiyadooda u dagaalamayaan.
Kumanaan Askari oo ka kala socda labada dhinac ayaa jooga masaafo dhan 100KM, taas oo ka dhigan in ay u diyaar garoobeen dagaalkii ugu cuslaa oo labada dhinac dhexmara tan iyo markii ay Somaliland qabsatay gobalkaas Sool muddo hadda laga joogo 11 sano.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

One Response to "DEG DEG | Xaaladda Boocame oo caawa Kacsan & Maleeshiyaadkii isku dayey oo Cagta lamariyey"

  1. Umalanmayo in dhulka cidamadu isku horfadhiyan wax dagal ah ka dhacayo sababto ah wax mesha yala oo dhiig intas le’eg lo dadiyo Tuko raq uma qalanto,Qofkii wadanka yaqan aya ogan kara magalada Garowe & Lascanood inta udhaxaysa wa dhul 0mane ah oo kulul,dadka dhulkas ku nool hadad aragto wa dad kulal la’ildaran oo macaluusha kamuqata hadad aragto aad kanaxayso,in ciidamo ku hardaman oo dhiig kudadshan maxay macno kenaysa?? ma dhici karto mana larumeysan karo.

    Reply

Post Comment